Sunday, July 13, 2025

Kumaandooska Somalia iyo Mareykana oo weerar Cir & Dhul ah ku qaaday Xaruntii Alshabaab ee duleedka Jowhar

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in weerar cirka iyo dhulka ah oo ciidamada Kumaandooska Somalia iyo Mareykanka ku qaadeen degaan u dhow magaalada Jowhar lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Weerarka oo ka dhacay degaanka Gamboole oo 50 KM galbeed uga beegan magaalada Jowhar, halkasoo ah xarunta weyn ee Alshabaab ka maamulaan Gobolka Sh/Dhexe ayaa lagu beegaday Guri weyn oo la sheegay inuu ahaa taliska Alshabaab iyo xarunta dacwadaha lagu qaado.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe kadib ayaa la sheegay in aciidammada weerarka qaaday ay wateen laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka ah, waxayna Gantaallo ku weerarreen dhufteen xarumo la tuhunsanaa oo saldhig u ah saraakiisha Al-Shabaab, iyadoo markaas kadib ay ciidamo dhulka ah ka degaan diyaaradaha dagaal toos ahna uu dhex maray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxii maaliyada Al-Shabaab ee degaanka Gamboole, kuxigeenkiisa iyo maleeshiyo ka tirsan Alshabaab lagu dilay weerarka. Waxaan weli la sugayaa warka ay soo saaraan taliska Mareykanka ee Africa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON