Friday, June 27, 2025

Kuraas lagu doortay Baydhaha oo Sharci-darro laga dhigay iyo Doorashada oo Dib loo qabanayo (Akhriso)

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa laalay laba kursi oo lagu doortay magaalada Baydhaba, kana dhigay sharci darro, kadib baaritaan lagu sameeyay qaabkii doorashadu u dhacday.

Guddigad Doorashada heer Federaal ayaa gebi ahaan sharci darro ka dhigay doorashada kuraasta kala ah HOP103 oo uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isla markaana uu kusoo baxay wasiirka howlaha guud ee K/Galbeed.

Guddiga ayaa shaaciyey in kursiga HOP103 dib loo qaban doono doorashadiisa marka la dhammeystiro habraaciisa, iyadoo hore Guddiga u hakiyey doorashadiisa.

Waxaa kaloo la laalay doorashada kursigii HOP154 oo ay hore ugu fadhiday, mar kalena kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla, waxaana dib loo qabanyaa doorashada Kursiga markii la ogaaday in musharax tartanka ku jiray aanay buuxin shuruudihii laga rabay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ujeeddo: Celin kuraas aan marin habraacyada doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo tix gelinaya duruufaha iyo cabashooyinka ka yimid doorashada, kadib markii guddigu baaritaan ku sameeyey doorashada golaha shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayna baaritaanadii ka soo baxeen kuraas aan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey, guddigu wuxuu go’aamiyey qodobadaan:

1. In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020. Sidaa daraadeed natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo 29 Nofeembar 2021 waa waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib ayaa loogu noqonayaa.

2. Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, iyadoo la tix raacayo go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa, sidaas darteed, marka habraaca la dhamaystiro ayaa la qabanayaa doorashadiisa.

3. Waxaa jira kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga ayaana go’aankooda laga sugayaa.4. Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag.

Haddaba waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay. Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON