Kulane Jiis ayaa loo xiray Kursiga oo looga saaray Qoondadii Dumarka, halka C/raxmaan C/shakuur beeshiisay go’aansatay in la siiyo Kursiga
Gudiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyey xilliga la dooranayo kuraas xasaasi ah oo taalla Galmudug, kuwaasoo ay u tartamayaan saraakiil iyo siyaasiyiin caan ah.
Kuraastan oo doorashadooda la qabanayo 14-ka bishan April waxaa ka mida kursiga HOP040 oo laga soo wareejiyey qoonde dumar, haddana ula filayo inuu kusoo baxo C/llaahi Aadan Kulane oo ka mida saraakiisha Sare ee Hay’adda NISA iyo Kursiga HOP138 uu uu u tartamayo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Labada Musharax ayaa siyaasadda aad uga kala fogaa, waxaana u dhaxeysa cadaawad weyn oo dhinac waliba leh, balse waxaa kulmiyay inay Dhuusamareeb u wada joogaan kursaas ay doonayaan inay ku guuleysteen oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
C/llaahi Kulan oo u tartamaya kursi beeshiisa ee HOP040 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka C/raxmaan C/shakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP138 ay Jufada uu kasoo jeedo go’aansatay in loo xiro, iyadoo ay tanaasuleen xubnihii la tartami lahaa.
