Guddiga Doorashooyinka SEIT ee Puntland ayaa shaaciyay magacyada Musharixiinta loo xulay kuraasta ku harsan maamulkaasi ee lagu dooranayo magaalada Garowe.
Liiska Musharixiinta 6-da Kursi ee ku hartay Puntalnd ayaa waxaa lagu soo bandhigay musharixiinta loo xiray kuraastasi oo ay ka mid yihiin labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud / Majeerteen oo diidmo xoog leh ka taagan tahay.
Kursiga HOP0199: Waxaa lo oxiray Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wato Madaxweynaha Puntland. Waxaana arrintan ka horjeestay Isimada Beesha Cumar Maxamuud oo qaadacay doorashada.
Kursiga HOP0198: Waxaa loo xiray Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf oo ka mida kuraasta Isimada Beesha Cumar Maxamuud ay sheegeen inuu boobay Siciid Deni.
Kursiga HOP129: waxa loo xiray oo mar kale kusoo laabaneysa Xildhibaan Sacdiya Salaad oo ka mid ahayd muraacarkada ugu weyn Dowladii Farmaajo.
Kursiga HOP221: waxaa loo xiray Cabdirisaaq Xasan Dhookir oo ka tirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA
