Guddiga Doorashada Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray ku joojiyey Doorashada kursiga HOP053 oo lagu waday inay maalinta Berri ah ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Doorashada SEIT ee Galmudug ayaa lagu sheegay in kadib markii ay la tashadeen xubnaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ku sugan Galmudug ay joojiyeen qabashada Doorashada Kursiga HOP#053.
“Kursigan oo qorshuhu ahaa in la qabto maalinta berri ah, waxa kursigaan la qaban doonaa maalmaha soo socda marka habraacyadiisa la dhamaystiro” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga Doorashada Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya inuu khilaaf adag ka taagna kursigan oo loo bedelay qoonde dumar, waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, iyadoo ay isu sharxay Dumarkii ugu badnaa ee kursi kaliya isu soo taaga, kuwaasoo qaatay Shahaadda Musharaxnimada, waxayna kala yihiin:
1- Reysal Qorane Abshir
2- Xaajiyo Axmed Gaas
3- Farxiyo Abdulahi Shiiqdoon
4- Ubax Abdi Ali
5- Zamzam Xasan Diiriye.
6-Fahmo Caabi Guureeye.
7- Hani Cabdi Gaas
