Tuesday, July 1, 2025

Kursigii ugu horeeyay ee lagu tartamo magaalada Beledweyne iyo Xildhibaanka kusoo baxay

Doorashadii ugu horeysay ee si daah furan loogu taramay ayaa ka dhacday magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo wreegii koowaad lagu kala baxay.

Waxaa kursigan HOP066, wareegiisii koowaad ku tartamay saddex musharax, waxaana Doorashadu ahayd mid daah furan oo si xor ah u dhacday, taasoo ka dhigan inuu ahaa kursigii ugu horeysay ee lagu tartamo kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

Natiiijadii wareegga koowaad ayaa noqotay sida soo socota:

1- Maalik Ibrahim Cabdalla: Wuxuu helay 58 cod

2- Cabdiraxmaan Daahir Guure: Wuxuu isna helay: 31 cod

3- iyo Cumar Cismaan Waasuge: Wuxuu helay 7 cod,

Waxaa hallaabay 5 cod.

Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu kursiga HOP066 ku guuleystay Maalik Ibraahim Cabdalla, isagoo helay codad ka badan 50+1, wareegii koowaad.

Ex. Xildhibaan Cumar Cismaan (Riingo) oo kursiga hore ugu fadhiyey, kana mid ahaa xildhibaannada taageersan Farmaajo ayaa kaliya helay 7 cod.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON