La-taliyaha Doorashooyinka ee madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in laga hor istaagay Warqadihii Amniga iyo tan musharaxnimada, isagoo ahaa musharax u taagan kursiga HOP072.
Cabdi Cali Raage ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Kismaayo in loo diiday Warqadihii Amniga, kadibna uu Guddiga Doorashada ugu tegay arrintiisa, iyaguna ay shardi uga dhigeen inuu la yimaado warqadda Amniga, sidaasina looga reebay doorashadii oo qof uu wato Axmed Madoobe lagu soo saari doono.
La-taliyaha ayaa sheegay in odayaal aan jirin oo Jufada Maqaabul ah lasoo saaray, kursiga HOP072, la boobayo oo wax kasta oo kasoo baxana ay sharci darro yihiin, isaguna uu hoggaamin doono kacdoon ka dhan ah Axmed Madoobe
Cabdi Cali Raage oo ka mida saaxiibada ugu dhow Farmaajo ayaa hore ula soo shaqeeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo u maamulayey doorashooyinkii 2016.
Kursiga
