Madaxweynaha cusub ee markii labaad ku laabanaya talada Villa Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada kulamo is daba joog ah oo u ula yeelanayo diblomaasiyiinta beesha caalamka iyo mas’uuliyiinta Soomaalida.
Madaxda uu maanta qaabilay waxaa ka mida Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, isagoo ugu hambalyeeyay in mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha, iyo sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya.
Kulankan waxaa kasoo muquday la-taliyeyaasha cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala ah: agaasimihii hore ee Madaxtooyada iyo saaxiib ku dhow Xildhibaan Cali Balcad iyo La-taliyihi Amniga ee ugu horeyn uu yeeshay Farmaajo oo ah Xuseen Macallin, haddana ahaa Agaasimaha Machadka Hiraal.
Labada nin ayaa u muuqda inay xilalkoodii dib ugu laaban doobnaan oo mas’uuliyiin cusub aanay xilalkaasi qaban doonin.
