Tuesday, July 1, 2025

Laba Dowlad Goboleed oo diyaar u ah qabashada Doorashada Aqalka Sare iyo Maamullada ka caga jiidaya

Iyadoo ay maalmo kooban ka harsan tahay xilligii loo qabtay inay ku dhacdo Doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa soo baxaya in qaar ka mida maamul Goboleedyada ay diyaar u yihiin Doorashada, halka kuwo kale ka caaga jiidayaan.

Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo K/Galbeed ayaa la sheegay inay noqdeen laba maamul ee diyaarka u ah qabashada Doorashada Aqalka Sare, iyadoo dardar geliyey sidii ay doorashadaasi u dhici lahayd.

Guddiga Doorashada heer maamul Goboleed ee Jubbaland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo ku shaaciyey inay diyaar u yihiin qabashada Doorashada Aqalka sare mudadii loo qorsheeyay ee 25-ka bishan July.

Guddiga Doorashada Jubbaland wuxuu caddeeyay inah soo saari doonaan Jadwalka fulinta doorashada oo faahfaahsan, waxayna Baarlamaanka Jubbaland ka codsadeen inuu soo magcaabo Guddi doorasho oo kala shaqeeya Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubbaland.

Waxay kaloo Musharixiinta doonaya kuraasta Aqalka Sare ugu baaqeen inay isu diyaariyaan doorashada Aqalka Sare, waana gudigii ugu horeeyay ee tallaabadaasi hore u qaado.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada K/Galbeed ayaa dhinacooda ku jira diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare; waxaana wararku sheegayaan in maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ay ka caga jiidayaan Doorashada.

Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa hareeyay maalmihii ugu danbeeyay arrimo ku saabsan wax ka bedelka xeer hoosaadkooda, isagoo aan weli guda gelin arrimaha Doorashada Aqalka Sare; halka Guddiga Doorashada Somaliland ay laba garab u kala qeybsameen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON