Tuesday, March 3, 2026

Laba madaxweyne oo maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo. [Wararkii ugu danbeeyay & Sawirro]

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee Doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbalanad oo laba goob ka dhaceysa, iyadoo la dooran doono laba madaxweyne oo barbar socda.

Xarunta Doorashada ee sida weyn indhaha loogu hayo waxaa ammaankeeda ilaalinaya ciidamada Jubbalanad iyo iyo kuwa AMISOM, waxaaana qabanqaabiyay Baaralmaanka Garabka Axmed Madoobe, iyadoo ay goobta ka xaadireen xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee dowladda Somalia, Odayaal, Siyaasiyiin & Xildhibaanada cusub ee Jubbalanad.

Waxaa Madaxweynaha xilka ka sii dhammaaday ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) la tartamaya saddex musharax oo kala ah: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow), Musharax Maxamed Cumar Geedi, Canab Maxamed Daahir, iyadoo la sii ogyahay inuu si dhib yar ku guuleysan doono Axmed Madoobe, marka la eego sida lagu soo xulay Baarlamaanka.

Dhinaca kale waxa magaalada Kismaayo ka socda doorasho kale oo ay qabanqaabiyeen musharixiinta Isbedeldoonka Jubbaland, waxaana ku tartamaya lix musharax oo ay ugu cadcad yihin C/rashiid Maxamed Xiddig iyo C/naasir Seeraar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON