Waxaa magaalada Jowhar ka bilaabtay Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#106, kaasoo ay ku tartamayaan afar musharax, kadib marki ay tartanka isaga hareen laba musharax oo qaatay Shahaadada Musharaxnimada.
Waxaa Goobta Doorashada ka xaadiray 4 Murashax oo kala ah:
1- Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole
2- Bashiir Maxamed Yuusuf
3- Fowziya Sheekh Cali Maxamuud.
4- Yahye Abuukar Aadan.
Waxaa tartanka isaga haray Musharaxiinta kala ah: Shadoor Xaaji Maxamuud oo xisbiga Wadajir ka tirsanaa iyo Yusuf Cabdi Cabdulle oo ku dhow Farmaajo.
“Waxaan u mahadcelinayaa, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe, odayaasha iyo akhyaarta maalmahaan ku howlanaa in ay tanaasuliyaan labo musharax kale oo aan ergo wadaag ahayn si jufada u hanato maadaama uu wareegaan uu markeenii ahaa hayeshee waa lagu guul dareeystay sidaa daraadeed waxaan goostay inaan ka roonaado..” ayuu soo qoray Musharax Shadoor oo sabab u yeelay inuu ka haro tartankii, isagoo ku dhiiran waayey inuu ka qeyb galo.
