Laba kursi oo ka mida Aqalka sare oo ah kuwii ugu danbeeyay ayaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.
Doorashada oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa lahaa beelaha kasoo jeeda Somaliland oo hore loo hakiyay muran ka dhashay beelaha qeyb ahaanta u helay kuraastan.
Kursiga hore waxaa ku soo baxay Bilaal Idiris C/llaahi oo helay codadkii ugu badnaa isagoo noqday xildhibaanka 53aad ee Aqalka Sare.
Kursiga labaad oo hadda uun lagu dhawaaqay natiijadiisa waxaa isna ku guuleystay Siciid Cabdi Xuseen oo noqday xildhibaankii ugu danbeeyay ee Aqalka Sare.
Kuraastan ayaa ahaa kuwii ugu danbeeyay ee ka harsanaa Aqalka sare oo hadda ku buuxsamay 54 xildhibaan, inkastoo dib loo dhigay xubno ay ku kordhiyeen Madasha Qaran.
Goobjooge.com