Sunday, June 22, 2025

Lacag lagu soo rogay Dadka Rakaabka ah oo xayirtay Duulimaadyadii Gudaha iyo RW oo farageliyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa degdeg u tegay Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee caasimadda Muqdisho, kadib shaqo joojin ka dhalatay lacaho lagu soo rogay rakaaka Gudaha oo keentay iyo boqolaal dad ah ku xayirmaan Garoonka.

Xamse ayaa gudaha Garoonka kula hadlay dadkii rakaabka ahaa ee ku xayirnaa iyo mas’uuliyiinta shirkadda Diyaaradaha, isagoo dhageystay cabashadooda, kadibna wuxuu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka, wuxuuna faray in si deg dega loo fasaxo rakaabka ku xayiran garoonka.

Isagoo la hadayay dadki safarka ahaa ee ku sugnaa ee Garoonka ayuu u sheegay inay ka xun yihiin dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, wuxuuna u ballanqaaday inaysan arrintan dib u soo laaban doonin.

Ad

Manata aya ahayd maalintii labaad oo ah hakad ku jireen duulimaadyada gudahaee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, taasoo keentay in shacab fara badan ku ku xayirmaan Garoonka, kadib markii shirakadah Gudaha diideen lacag lagu soo rogay oo ah in qofkii rakaab ahba laga qaado 9 dollar oo amni hubin ah.

Lacagaha cusub ee la saaray rakaabka ayaa waxaa isku maandhaafay Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkadaha Diyaaradhaa, waxaana xogta la helay sheegeysaa in Qandaraaska lacag qaadashada la siiyay Shirkad lagu magacaabo Hornlink oo la sheegay inay leeyihiin ganacsato xiriir la leh Madaxda sare ee dalka.

Shirkaddan Hornlink ayaa la sheegay inay Qandaraas ka heshay Wasaaradda Gaadiidka si ay u uruuriso xogta Rakaabka raacaya diyaaradaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON