Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka qeyb galay xalay kulan casho sharaf iyo is-cafin ah oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal u sameeyay Xildhibaannada Beesha Digil iyo Mirifle.
Lafta-gareen ayaa sheegay in wixii hore ay dhammaadeen sida dhinacyadii la kala taageersanaa iyi xisbiyadii siyaasadeed ee lagu jiray, haddana isku yihiin xisbi la yiraahdo: Digil iyo Mirifle, ayna is cafinayaan, wuxuuna xildhibaannada kasoo jeeda beeshiisa ku qaboojiyey inay wada shaqeyn doonaan oo aysan jirin wax ay ka welwelaan Doorashaduna sidii ay rabaan u dhici doonto.
“Maanta haddii la is-tiriyo Soomaaliya waxay ahayd in wax loo qeybsado Maay iyo Maxaa-tiri, tiro iyo dad haddii la yiraahdo… kuraasta aan ku fadhino dad ayaa xaq u leh oo u dhintay… ninkii soo halgamay oo Digil iyi Mirifle waa in la ixtiraamo..” ayuu yiri C/casiis Lafta-gareen in xildhibaan dhaawacmay aan la taaban karin kursigiisa.
Shirkan oo ahaa mid beeleed ayaa si hoose oo xasaasi ah looga hadlay ayuu Madaxweynaha K/Galbeed si qoto dheer uga hadlay kuraasta Baarlamaanka ee Beeshiisa ku leedahay Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna qeyb ka ahaa heshiiska u socda madaxda dowlad goboleedyada iyo xildhibaannada xilku kasii dhammaanayo.

C/casiis Lafta-gareen wuxuu xildhibaannada u sheegay in lagu heshiiyey inay kursiga sii joogaan oo mushaarkooda qaataan inta laga soo dooranayo Baarlamaanka cusub.