Sunday, July 13, 2025

Lafta-gareen oo maanta kuraastii xildhibaan kala wareegaya Laba Siyaasi oo caan ah (Akhriso)

Guddiga Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay diiwaangeliyay musharrixiin u taagan lix kursi oo ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Magaalada Baydhabo.

12 Musharax ayaa loo diiwaan geliyay lixda kursi, waxaana guud ahaan tartanka laga reebay xildhibaannadii hore ugu fadhiyey kursiga oo ay ka mid yihiin wasiir ka tirsan xukuumadda Xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharax Shariif Xasan Sheekh Aadan.

HOP167: waxaa ku tartamaya Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed. Waxaana kursigan hore ugu fadhiyey Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni) oo ah wasiirka Howlaha Guud ee xukuumadda Rooble.

HOP099: Waxaa kursigan loo diiwaan geliyey musharixiinta Axmed Madoobe Nuunow & Cabdinaasir Ibraahim Aadan. Kursigan ayaa hore u ahaa qoonde haween, waxaana ku fadhiday Deeqo Xuseen Xasan oo meesha laga saaray.

HOP077: Kursigan waxaa ku tartamaya Maxamed Sheekh Cabdulaahi (Ciirow) oo ah Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidamada Milatariga iyo Cabdinaasir Cali Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa kurisgan hore ugu fadhiyey Isgoowe Deeroow Isaaq.

HOP168: waxaa ku tartamaya Luul Ibraahim Cumar, Nasteexo Axmed Nuur, iyadoo uu hore ugu fadhiyey Xasan Macallin Xuseen.

HOP186: Waxaa loo diiwaan geliyey Musharixiinta kala ah: Cabduqaadir Cumar Macalin & Cabduqaadir Aadan Cali; waxaana kursigan hore ugu fadhiyey Maxamed Xuseen Isaaq (Afarraale) oo meesha laga saaray.

HOP261: Waxaa ku tartamaya Saalax Shariif Sayid Cali iyo Ismacil Shariif Cali, iyadoo tartanka laga reebay xildhibaankii hore ugu fadhiyey C/qaadir Xasann Sheekh Aadan oo ah wiilka uu dhalay iyo aabihii Shariif Xasan oo laga hor israagay inuu tago magaalada Baydbaba.

May be an image of ‎text that says '‎Jambuuridda Federaalka Soomaaliya Guddies Maamulka الفيدرالية الصومال جمهورية Dowlad goboleed- Koonfur Galbeed SEIT 2021 -2022 الجنوب خرب الإنتخابات لجنة The State Elections Implementation Team (SEIT) SN Musharaxlinta isku 500 diwaangalisay kuraasta hoos ku xusan. NAME 08/03/2022 Abdinasir Ali Hassan 2. 3. Mohamed Sheikh Abdullahi Osman HOP# #077 4. Ahmed Mathobee Nunow Abdinasir Ibrahim Adan 5. Abdisalam 6. #099 Abdi 7. Abdi ohamud Mohamed Lul Ibrahim Omar #167 8. 9. Nasteho Ahmed Nur Abdulkadir Omar Moalin #168 10. Abdukadir Adan Mohamed #186 12. Sharif Sayid All Ismail Sharif Ali #261 DOWLAD YusufAbdulkadir Gudoomiyaha GHDHD S52020-2021 CIGONๆ APLEMENTAR‎'‎

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON