Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa galabta soo saaray liiska 10 musharax oo u tartamaya 5 kursi oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya .
Lafta gareen ayaa musharaxnimada Aqalka Sare ka reebay saddex siyaasi iyo haweeney ka tirsanaa Aqalkii Sare ee hore, kuwaasoo ka mid ahaa mucaaradka dowladda madaxweyne Farmaajo, qaarkoodna ka tirsanaayeen xisbiyada madaxweynayaashii hore.
Liiska musharaxnimada wuxuu C/casiis Lafta-gareen ka saaray xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka 10-aad, waxaana ka mida: Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, Senator Ilyaas Cali Xasan, iyo Senator Cabdullaahi Cabdi Garruun.
Senator Xuseen Sheekh ayaa ahaa xoghayaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, halka Senator Ilyaas Cali uu ahaa ogahayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Himilo ee uu madaxda ka yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed.
Sidoo kale Senator Cabdullaahi Cabdi Garruun oo hore u wasiir uga soo noqday dowladihii hore, kana mida waayeellada siyaasadda K/Galbeed ayuu meesha ka saaray Madaxweynaha K/Galbeed, wuxuuna ahaa oday siyaasadeed oo u dhow Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh.
Waxaa meesha ka baxay oo kale Timiro Maxamed Cali oo aan wax saameyn ah lahayn, kursigeeda ku loolamaya laba senator oo cusub oo rag ah.
Shanta kursi ee Lafta-gareen u soo sharxay musharixiinta ku tartamaya waxaa fursad la siiyey Zamzam Ibrahim Cali oo mar kale u tartameysa kursigeeda si ay u difaacato.
Halista soo wajahday in doorashada Aqalka sare ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah ayaa ka timid markii madaxweynayaasha maamul Gobleedyada awood loo siiyey inay soo sharxaan dadka ku tartamaya kuraasta maamulkooda laga soo doorto, taasoo keenay inay ciddii ay doonaan liiska musharixiinta kusoo saaran, kana reeban siyaasiyiinta aanay rabin.


