Sunday, July 13, 2025

Lafta-gareen oo Qarxiyey Dagaal siyaasadeed Qabyaaladeysan oo ka socda Baraha Bulshada & Mas’uuliyiin badan oo ku biiray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa dagaal siyaasadeed oo qabyaaladeysan ka qarxiyey Baraha Bulshada, kadib hadal uu ka jeediyey xaflad xalay ka dhacday magaalada Baydhabo oo lagu maamuusay sanadguuradii koowaad ee markii xilka loo doortay.

Lafta-gareen ayaa ku dhaliilayey siyaasiyiinta in mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe, siiba magaalada Gaalkacyo ay been ka faafiyaan xasuuq ka dhacay magaalada Baydhaba, iyagoo aan waxba kasoo qaadin dadkii kasoo jeeday Degaanada K/Galbeed ee lagu laayey magaalada Gaalkacyo, wuxuuna intaas ku daray inaysan aqbali doonin arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay siyaasiyiintaasi yihiin kuwo aan xishoon oo ka been sheegaya xaaladda maamulkiisa K/Galbeed.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Federaalka ayaa u jawaabay Madaxweyne Lafta-gareen, wuxuuna sheegay haddii falkii ka dhacay Gaalkacyo uu qabiil u saariyo in isaguna uu qaadayo Mas’uuliyadda dadka ay laayaan Alshabaab, waxayna Jawaabta Xildhibaan Mahad Salaad soo jiidatay jawaabo kale oo ka yimid xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda K/Galbeed oo si weyn u weerarray Mahad Salaad. [Akhriso]

Xildhibaan C/fataax Geesey ayaa qoraal ugu jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad isagoo sheegay in haddii aanu bixin raaligeln degdeg mooshin anshax ay ka geyn doonaan Baarlamaanka, wuxuuna yiri: “Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si Mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay.”

Image may contain: text

Waxaa kaloo Mahad Salaad jawaab diray wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq Cali oo sheegay inay tahay xaasidnimo ka weyn in bulsho dhan lagu tilmaamo inay argagixiso yihiin, lagana fiican yahay in Shabaab laga dhigo qabiil gaara, taasoo aan laga heshiin karin marka argagixiso la isku tilmaamo.

No photo description available.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Dhexe ee uu taabtay hadalkii Madaxweynaha K/Galbeed, ayaa isna u sheegay Madaxweyne Lafta-gareen inuu ku fadhiyo kursi dhiig leh oo aanu u qiil sameyn karin dadkii ka dambeeyay xasuuqii ka dhacay Baydhaba oo uu mas’uul ka ahaa Madaxweyne Farmaajo.

“… Walaalkey C/ casiis lafta gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran. Dadkii lagu xasuuqay Gaalkacyo waxaa xasuuqay mooryaan beeleed, wuxuuna ahaa fal danbiyeed waxshinimo leh, oo ay mooryaan gaysatay. Reer Gaalkacyo iyo Soomaali oo idil way ka dhiidhiyeen, xitaa kuwii ku dhiiran waayey in ay kalmad ka yiraahdaan xasuuqii Baydhabo…. Walaalkeen Laftagareen waxaan kula talinayaa in uusan waqti ku lumin difaaca Farmajo ee waqti ha geliyo sidii uu kursigiisa dhiigga uga mayri lahaa, dadkiisa la heshiiyo, dadka deegaanka ha heshiisiiyo, inaguna waxaan diyaar u nahay in aan sidaas ku taageerno.” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Dooda ka dhalatay arrintan ayaa isu bedeshay mid qabyaaladeysan oo ay ka qeyb qaadanayaan siyaasiyiinta iyo xubnaha u dhow ee kasoo kala jeeda labada dhinac, iyadoo aan la isu garaabin oo mararka qaarkood la adeegsanayo ereyo qayaxan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON