Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ayaa ka hadlay heshiiska is afgarad ee ay gaareen madaxda dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay 16-kii Bishan wada gaaren Dowladaha Soomaaliyea iyo Itoobiya oo magaalada Muqdisho ka dhacay, kadib booqashii ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Amhed.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulkiisa ay faa’iido weyn oo dhanka maalgashiga ah ugu jirto heshiiska. “Annagu Hirshabeelle haddaan nahay xuduud baan ku naallaa, aad baanu usoo dhaweynaynaa in la furo Kastanka Feerfeer, in meeshaasi ay tahay meel laga ganacsada oo intay xero Millieri ku oolli lahayd, waxaa ka habboon in Kastan ku yaal in Immigration ku yaal ayaa fiican..” ayuu yiri Mudane Waare.
Waare aya fursad weyn ku tilmaamay in la dhiso waddooyinka isku xira Itoobiya iyo Hirshabeelle, lana dhiso Dekedaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Hirshabeelle, halkaasoo ay Shacab badani shaqa ka helayaan.