Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in lacag dhan 5.9 Milyan oo Doolar uu Bankiga Dhexe ka bixiyey Khasnajiga Maamulka Dowladda Hoose, iyagoo dhinaca kale beeniyay warbixintii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ee quseeyay G/Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa eedeyn u jeediyey xildhibaannada ka tirsan Guddiga Maaliyadda, iyagoo beeniyay inay maamulka G/Banaadir soo gashay lacag dhan $16,556,504.75 intii u dhaxeysay Janayo-June 2018, laakiin ma sheegin lacagta maamulka soo gashay xilligaasi.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dooday in lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay toos ugu dhacaan Bankiga Dhexe, isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo Bankiga.
Maamulka ayaa sidoo kale beeniyey warbixinta Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ee ku saabsan inuusan Maamulka G/Banaadir lahayn wax miisaaniyad ah oo cid ka baxsan xubnaha maamula Gobolka ay u ansixiyey, kuna koontaroosho; waxayna ku doodeen inay jirto miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, oo lagu shubo nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS).
Lacagta gaareysa 5.9 Milyan ee Doolar ayuu sheegay maamulka G/Banaadir in lagu bixiyey gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah iyo mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada.