Sunday, June 22, 2025

Maamulka G/Banaadir oo u jawaabay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee eedeeyay qaabka Diiwaangelinta

Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ee dowladda ku eedeeyay inay qasab ku wado is diiwaangelinta dadka Muqdisho ee cod bixinta Doorashada Qof iyo Codka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)  ayaa si kulul ugu jawaabay eedaha Siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo  si weyn u difaacay qorshaha guddiga doorashada ee la xiriira diiwaan-gelinta ka socoto degmooyinka gobolka.

“Kuwa dhahaaya dadka waa lasoo qasbay waxaa leenahay dadka waan wacyigelinaa, ayagaana imaada dadka Banaadir anaga ayey masuuliyad naga saarantahay soo wada baxa..  Dalkan waxaa la rabaa in laga bixiyo farfar ku taag, waxaa laga rabaa in laga gudbo 4.5, waxaa la rabaa in laga baxo odayaal iyo maamul goboleedyo in laga gudbo” ayuu yiri Yabooh.

Ad

Arrintan ayaa imaaneysa, iyadoo  xubnaha mucaaradka ay dowladda ku eedeeyeen diiwaan-gelin laga bilaabay xarumo ay kamid yihiin jaamacadaha iyo degmada Kaxda oo sheegeen in dadka lasoo qasbay.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore Shariif Shwwkh AXmed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON