Friday, June 27, 2025

Maamulka Jubbaland oo Xabsi dhigay Saraakiil ay u dirtay Dowladda Somalia [Akhriso War-saxaafadeed Culus]

Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo ayaa war-saxaafadeed dhiilo xambaarsan kasoo saaray saraakiil ay maagcawday dowladda Soomaaliya oo ay ku xirtay magaalada Kismaayo.

Qoraalka maamulka Axmed Madoobe oo si yaab leh u qoray ayaa lagu sheegay in saraakiishan ay caawa ku hoyanayaan xabsiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, iyadoo berri loo masaafurin doono magaalada Muqdisho.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawirrada labadan sarkaal ee ay ku xirtay garoonka Kismaayo, taasoo noqoneysa arrin ku cusub xiriirka Maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MAAMULKA AXMED MADOOBE

Laamaha Amniga ee Dowlad goboleedka Jubbaland oo ka masuul ah Amniga iyo Xasiloonida Jubbaland ayaa galabta garoonka ka celiyey labo sarkaal oo laga soo direy Xamar kuwaas oo lagu sheegey in loo soo magacaabey Taliyaha nabadsugidda Jubbaland iyo ku xigeenkiisa.
Labadan sarkaal oo ay sawiradoodu hoos idiinka muuqdaan waxaa lagu kala magacaabaa Cali Mire Ducaale (Taliye ), Maxamed Ibraahim (ku xigeen), Saraakiishan ayaa caawa ku baryaya Xabsi ku yaala garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaga oo maalinta barri ah dib loogu celin doono halkii laga soo direy ee Xamar.
Hay’adda Nabadsuggida iyo sirdoonka Jubbaland oo ah Hay’ad taliska dhismeheeda iyo kan ciidanba dhameystiranyahay ayaa gacan bir ah ku dhigtey Amniga gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland taas oo keentey xasiloonida iyo Amniga ka jira Jubbaland ee ay bulshada reer Jubbaland kuwada naaloonayaan .
Dowladda Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa u muuqata mid ka xun ama aan la dhacsaneyn hanaanka Dowladnimo iyo hormarka ka jira deegaanada Jubbaland , taasoo ku timid isku tashi iyo isgarabsiga shacabka iyo madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbalandmudane Axmed Maxamed Islaam.
Waxay ahayd 13-kii Luulyo ee sanadkan markii ay sidan oo kale Ciidamada Amaanka ee Dowlad goboleedka Jubbaland isla garoonka Kismaayo ay diyaaraduu saarnaa ku celiyeen Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacowdey qeybta 43aad ee Ciidanka xooga dalka ayada oo aan wax la tashi ah la sameynin madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku tumaneysa shuruucda iyo heshiisyada Amni ee dalka u yaal , kuwaas oo qeexaya wada shaqeynta dhanka Amniga ee Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.
Sanad ka hor ayay ahayd markii ay Dowladda Federaalka iyo Dolwad goboleedyadu heshiis Amni oo rasmi ah kuwada saxiixdeen magaalada London ee dalka Ingiriiska , Heshiiskaas qodobkiisa 20aad ayaa qeexaya in ay Dowladda Federaalku ka talo galiso tallaabo kasta oo Amni oo ay qaadeyso madaxda maamul goboleedka ay quseyso talaabadaasi.
Dowladda federaalka ayaa markii 2aad ku hungowdey damaceedii ahaa khalkhal galinta Amniga iyo xasiloonida ka jirta Jubbaland .
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo laga sugayey xasilinta dalka , la dagaalanka Argagixisada iyo isu soo dhaweynta bulshada Soomaaliyeed ayaa u muuqda inuu ka shaqeynayo midaas cagsideea oo ah kala fogeynta iyo la dagaalanka xasiloonida kajirta dalka qeybihiisa kala duwan.
Mahadsanidiin

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON