Monday, June 23, 2025

Maamulka Puntland oo Itoobiya u gacan geliyey Sarkaalkii madaxda ka ahaa ‘Jeel Ogaadeen’.

Maamulka Puntland ayaa dowladda Itoobiya u gacan geliyay nin madax ka ahaa Xabsigii caanka ahaa ee ‘Jeel Ogaadeen’ is-mamulka Soomaalida Itoobiya xiligii madaxwene Cabdi Maxamuud Cumar oo dad badan tacadiya loogu geystay.

Ninkan oo lagu lagu magacaabo Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Dheere) waxaana la sheegay inay xalay qabteen ciidamada amniga ee Puntland, yadoo laga xiray magaalada Galgodob, kadibna loo gacan geliyay Itoobiya, iyadoo ay arrintaasi xaqiijiyeen maamulka Somali state ee Itoobiya, wuxuuna hadda ku xiran yahay magaalada Jigjiga.

Xasan Ismaaciil Ibraahimayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidamadaa Liyu Booliska, wuxuuuuna horay usoo qabtay xilal kala duwan oo sare, isgoo ahaa hoggaankii nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna ahaa guddoomiyihii dhinaca asluubta. Wuxuuse baxsaday markii ay dhacday dowladdii Cabdi Iley, isagoo u gudbay dhinaca Soomaaliya.

Ad

Wuxuu ka mid ahaa dad ay dowladda Itoobya amar ku bixiyay in lasoo xiro, si caddaaladda loo hor geeyo. Waxaana lagu eedeynayaa inuu mas’uul ka yahay tacaddiyadii ugu badnaa ee ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xabsiga caanka ku ahaa Jeel Ogaadeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON