Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hor yimid Sharciga Doorashada ee ay maanta ansxiiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Qoraalka Puntland ayaa lagu sheegay inay si cad uga horjeeddo, ansixinta xeerka doorashooyinka dalka ee ay meel-mariyeen Golaha xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ku dooday inuusan ku imaan wada-tashi, waxay kaloo Puntland ka hor timid diyaarinta iyo wax ka-beddelka xeerka Batroolka dalka oo xukuumadda Federaalka wax ka beddel ku samaysay.
Puntland oo isugu yeerta ‘Dowladda Puntland ee Soomaaliya’ ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay isku gaar yeesho, talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida geeddi-socodka iyo dhammaystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo amniga dalka, qeybsiga awoodaha& khayraadka iyo habka doorashooyinka.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
