Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa madaafiic xalay xilli danbe ku dhacay xaafado ka tirsan caasimadda Muqdisho xili uu socday weerarka Hotel Hayat oo dabley ka tirsan Alshabaab ay gudaha u galeen.
Afar Madfac ah ayaa ku dhacay Guryo ku yaalla xaafadaha degmada Xamarjajab, gaar ahaan agagaarka Dugsiga Sare ee Booliska; iyagoo dhaliyay Qasaare soo gaaray dad shacab ah.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa saddex Hoobiye ay ku habsadeen Guri ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana sida la sheegay ku dhawcmeen dad ku dhiw 20 qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo afar arruur ah oo ay dhashay.
Alshabaab ayaa laba weerar oo dhiig badan ku daatay xalay ka geystay Muqdisho, iyagoo adeegsaday weerar toos ah oo ay ku qaadeen Hotelka Hayat iyo Hoobiyeyaasha lagu weerarray degmada Xamarjajab.
Tallaabada Alshabaab qaadeen ayaa ka dhigan in xaalada amniga Muqdisho ay tahay shaqada ugu weyn ee hortaalla dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadiisii kadib isku mashquuliyey Arrimaha dibadda iyo Abaaraha.
