Monday, July 14, 2025

Madasha Badbaado Qaran oo shir degdega u furmay iyo waanwaan laga dhex wado Farmajo, Deni & Axmed…

Waxaa goor dhoweyd gudaha Xalane shir degdega uga furmay Xubnaha ku mideysan Madasha Badbaado Qaran, iyadoo looga hadlayo xaaladda shirka Afisyoone iyo mowqifka ay ka qaadanayaan.

Shirka Madasha ayaa yimid kadib markii ay madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ay qaadaceen shirkii la filayey inuu maanta ka furmo xarunta Afisyoone, kaasoo aya xaadireen Maxamed Farmaajo iyo madaxda taageersan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta ayaa lagu wadaa inay shirkooda kasoo saaran go’aan ku saabsan shirka Muqdisho ee wadatashiga arrimaha Doorashooyinka iyo shuruudaha ay wataan.

Dhinaca kale Wakiilka Q/Midoobay James Swan iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa wada waanwaan ay isaga dab qaadayaan Maxamed Farmaajo, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa in shirku dib u dhaco inta laga heshiinayo qaabka shirka u dhacayo iyo Ajendaha looga hadlayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON