Qoraal ay soo saaray Madasha Xisbiyada Qaran ayey uga digtay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inay ka fogaadaan tallaabooyinka dhaawacaya hannaankii Doorashada ee lagu heshiiyey.
Madasha Xisbiyada ee ay hoggaamiyaan Madaxweynaayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed aya ku eedeysay Madaxda dowlada Federaalka in Guddiyada Doorashada hee Federaal iyo Xalinta Khilaafaadka ay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hey’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, taasoo baalmarsan heshiiska Doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka.
Waxay Madasha Qoraalkeeda ku sheegtay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka Federaalka.
