Tuesday, July 8, 2025

Madasha Xisbiyada oo Baarlamanka ugu baaqday inuusan ansixin xeerarka Doorashada, kana digtay..

Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saartay Doorashada Dalka ee lagu waday inay dhacdo aakhirka sanadkan 2020-ka iyo horraanta 2021.

Madasha ayaa ku eedeyasay madaxda dowaldda Federaalka inay si ulakac ah uga caga jiidayaan inay qabtaan doorasho waqtigeeda ku dhacda oo raali laga yahay, kuna fashilmay Doorasho Qof iyo Cod ah.

Madashu waxay ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka inuusan ansixin dhammaan xeeradka Doorashooyinka ee Guddiga labada aqal ee soo diyaariyey, waxayna ka digeen inay abuuri doonaan qalalaase iyo xasilooni darro siyaasadeed oo muddo dheer qaadata xalinteeda.

Waxay kaloo Madasha sharci darro ku tilmaantay asteynta kuraasta iyo metelaadda Gobolka Banaadir, waxayna mar kale ku baaqeen shir ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo daneeyayaasha Siyaasaddda si looga heshiiyo nooca doorasho ee la qabanayo.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON