Friday, July 18, 2025

Madasha Xisbiyada oo Qoraal Culus u dirtay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya [Akhriso faragelinta Ciidamada Itoobiya…]

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal furan u dirtay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay uga ashtakooneyso faragelinta ay ciidamada Itoobiya ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Qoraalka oo ka kooban 2 bog ayaa si toos ah ugu sovday Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, waxaana sidoo kale ogeysiin la siiyey ururadda IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Q/Midoobay, xafiiska UNSOM ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, iyadoo lagu faahfaahiyey tallaabooyin ay ciidamada Itoobiya ku lug yeesheen oo ka dhacay Gobolka Gedo iyo faragelin toos ah oo ay ku yeesheen maamul goboleedyada dalka.

Qoraalka oo si qaabeysan loo diyaariyey waxaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya loogu baaqay inuu wax ka qabto tallaabooyinkaas gurracan oo ay ciidamadiisa ka wadaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo aan ka tarjumeynin Itoobiya cusub ee Abiy Ahmed uu doonayo inuu dhiso xilli uu ku guuleystay biladda Nabadda ee Nobe Peace-ka.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON