Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee NISA ayaa shaacisay caawa inay gacanta ku dhigay xubin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Qoraal ay soo saartay Hay’adda Nabadsuggida ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay qabteen ruux Shabaab oo madax ka ahaa kooxa Qaraxyada qarsoon ku xirta baabuurta, isla markaana baad ka qaadi jiray dadka Muqdisho.
“Ciidanka NISA ayaa gacanta ku soodhigay dhagarqabe amniga Al-shabab katirsan, oo madax ka ahaa xarun qarsoon oo walxaha qarxa gawaarida lagula xiro. Shakhsigan ayaa sidoo kale cagajuglayn baad uga qaadi jiray qeyb ka mid ah dadka dagan Magaalada Muqdisho..” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.
Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa si joogto ah u shaacisa in howlgallo ay ka sameysay Muqdisho oo lagu soo qabto xubno Shabaab ah, iyadoo aan bixin wax faahfaahin ah magacayo iyo caddeymo kale midna.