Madaxa wafdigii Aqalka sare ee Baarlamaanka oo loo diray magaalada Kismaayo ayaa si cad ula saftay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Guddiga Aqalka Sare ee tagay Kismaayo ayaa waxaa hoggaamineyay Senator Axmed Xaashi Maxamuud, wuxuuna saxaafadda usheegay im kulamo ay la yeesheen madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada degaankaasi ay si weyn eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegay inay isku direyso oo faragelin ku heyso Jubbaland.
Senator Axmed Xaashi ayaa wax laga naxo ku tilmaamay faragelinta ay dowladda Federaalka ku heyso maamulka Jubbaland, isagoo ugu baaqay sida uu yiri maamulka Jubbaland inay adkeysteen midnimadooda.
Aqalka Sare ayaa guddiyo xal raadin ah u kal diray maamul Goboleedyada dalka si ay u soo ururiyeen xog ku saabsan khilaafka dhex yaalla maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka iyagoo dib ugu soo celinaya xogtaasi Xarunta Aqalka sare, basle waxaa muuqata in madaxda wafdiga Aqalka sare ee loo diray Kismaayo uu la saftay Maamulka Axmed Madoobe.
HOOS KA DHAGEYSO