Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntand, Galmudug, iyo Jubbaland iay kulan wadajir ah la yeeshen safiirka dawladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.
Siciid C/llaahi Deni, Axmed Ducaale Geelle iyo Maxamed Maxamed Islaam ayaa kulanka dhex maray safiirka Mareykanka Donald Yamamoto la sheegay inuu la xiriiray wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, waxaana xubno ku dhow madaxda maamul goboleedyada ay mowqifkooda ku aadan xiriirka dowladda Soomaaliya u gudbiyeen safiirka Mareykanka, isaguna uu la dhageystay mowqifka madaxdaasi ka qabaan siyaasadda ay ku socdaan dowladda federaalka iyo hogaankeeda, iyo arrimaha horyaalla labada dhinac.
Safiirka Mareykanka oo si weyn u taageersan xukuumadda Kheyre iyo howlaha ay wado ayaa dhinaca kale dhageysay cabashada ay qabaan dowlad Goboleedyada oo dowlada Somalia ku heysata inay uga baxday ballamo badan iyo heshiisyo ay kala saxiixdeen, oo wax waliba dhinaceeda ka fuli waayeen.


