Tuesday, July 1, 2025

Madaxda Dowladda Somalia oo Mushaarkooda ugu deeqay Gurmadka Fatahaadda (Madaxweynaha oo ka mida…)

Madaxda Dowladda Somalia ayaa shaaciyey inay mushaarkooda bishan sii dhammaaneyso ee Oktoobar 2019 ay ugu deeqayaan gurmadka fatahaadda ka dhacday Gobollada Hiiraan, Bay iyo Gedo.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa la shaaciyey inay mushaarkooda bishan Oktoobar ugu deeqeen dadka ku waxyeeloobay gurmadka fatahaadda, iyadoo hore ay dowladda Federaalka ku bilowday sanduuqa gurmadka lacag dhan 500-kun oo Doolar, taasoo si weyn loogu dhaliilay.

Dadweyne is abaabulay, shirkadaha ganacsiga iyo qurbe joogta Soomaalida ayaa bilaabay inay lacago iyo taageero u ururiyaan dadka ku waxyeeloobay fatahaadda ka dhacday dalka, siiba magaalada Beledweyne oo inteeda badan ay biyihu qariyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON