Madaxdii Ahlu-suna ee Gobollada Dhexe ayaa dib ugu laabtay Gobolka Galgaduud, kadib markii ay muddo sanad iyo bar ku dhowaad ah dibad joog ahaayeen.
Waxaa maanta magaalada Guriceel ka degay madixii xukuumadda Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana la filayaa inuu isna magaalada Gaalkacyo ku laabto hoggaamiyihii kooxdaasi Macallin Maxamuud.
Madaxda Galmudug ayaa isaga tegay Degaanka bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo dowladda Frederaalka iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb, markii khilaaf ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay Axmed Qoorqoor.
Ma Cadda sababta labadan hogaamiye oo sameyn ku leh degaanka keentay inay xilligan laabteen Galmudug, iyadoo ay socoto Doorashada Soomaaliya, waxayna saameyn ku yeelan karaan siyaasadda Galmudug .
Ciidamadii Ahlu suna ayaa la kala diray oo ku biiray maamulka Galmduug, halka saaraakiishii iyo ciidamadii ugu badnaa ay ka mid noqdeen ciidamada dowladda ee qeybta 21-aad oo fadhigoodu yahay Gobolka Galgaduud.
