Madaxii Arrimaha siyaasadda ee safaaradda Mareykanka u qaabilsaneyd Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Elizebeth Schockefford ayaa iska casishay xilkii ay u heysay dalkeeda.
Qoraal ay u qortay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Tillerson ayay Elizebeth Schockefordku sheegtay inaysan sii wadi karin xilkeeda, taasoo ay ugu wacan tahay in maamulka Mareykanka uu meesha ka saaray in xuquuqda aadanaha ay noqoto tan mudnaanta leh, ayna wasaaradda arrimaha dibadda noqotay mid daba socota Wasaaradda Difaaca.
Qoraalka is casilaadeeda oo lagu daabacay webka Foreign Policy ayay si cad ugu sheegtay in hoggaanka Tillersan ee diblomaasiyadda Mareykanka uu ku fashilmay inuu ilaaliyo wixii asaaska u ahaa Mareykanka, isla markaana siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ay sii lumineyso dadkii xirfada lahaa ee ka shaqeynayay.
Waxay Elizebeth Schockefford sheegtay inay ka naxday markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka uu bishii May meesha ka saaray ahmiyadda xuquuqda Insaanka siinayo Mareykanka, taasoo ay soo raacday in maamulka Trump uu miisaaniyadii ka jaray Waaxda arrimaha dibadda.
“Natiijada arrintan waxaan maalin waliba ku arkeysaa Safaaradda Soomaaliya qaabilsan iyo shaqeyda, iyadoo kaalintii diblomaasiyiinta iyo xiriirkii u dhaxeeyay ay sii baaba’ayso” ayaa qoraalkeeda ka mid ahaa madaxii arrimaha siyaasadda safaaradda Mareykanka Soomaaliya u qaabilsaneyd oo xilka ka tagtay.
Is-casilaadda Shackelford oo lagu tilmaamay xiddig kasoo baxeysay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa salka ku heysa siyaasadda Madaxweyne Trump ee ku dhisan yareynta doorka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna xoghaye Tillerson kula talisay haddii aanu xaaladda waxba ka bedeli karin inuu iyada ku daydo oo uu xilka isaga tago.