Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan magaalada Dhuusamareeb maanta ku dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Ahlu suna.
Madaxweyanha oo maanta dib ugu aabtay Caasimadda Muqdisho ayaa inta uusan ka dhoofin magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa uu halkaas kulan gaar ah kula yeeshay Culimada hoggaanka u ah Ahlu Sunna, oo ay ka mid yihiin: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug.
Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Xogta aynu ka helnay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaysa in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Ahlu suna in kulanka labada dhinac aan wax horumar ah laga gaarin, laguna kala tegay, iyadoo aan xal loo helin laba qodob oo Ahlu suna ay dooneysay in loo hirgeliyo, kuwaasoo kala ah: in 30 xubnood oo ka mida Baarlamaanka cusub ee Galmudug ay soo magacaabaan iyo in la dhammeystiro dalacsiinta saraakiisha Ahlu suna ee ciidamada dowladda ka mid noqday.



