Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in khudbadaha xafladda caleemo saarka laag reebay siyaasiyiin uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxtooyada Soomaaliya ay dalbatay inaan wax khudbad ah la siin siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, taasoo shardi looga dhigay khudbad uu jeediyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo keenay in madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu xalay u yeero siyaasiga C/raxmaan C/shakur, isagoo ka codsaday inuu ogolaado inaan wax khudbad ah laga siin xafladda caawa ee caleemo saarkiisa.
C/raxmaan C/shakuur ayaa ogolaaday codsiga Madaxweyne Deni, iyadoo goobjooge ahaan uga qeybgeli doona, waxaana dhinaca kale madaxweyne Deni uu ka codsaday madaxda maamul Goboleedyada inaysan soo hadal qaadin khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo madaxweyne Farmaajo.
Khudbadaha caawa ayaa ku koobnaan doona xafladda caleemo saarka iyo soo dhoweynta madaxweynaha cusub ee Siciid C/llaahi Deni.