Friday, June 27, 2025

Madaxtooyada Somalia oo War kasoo saartay socdaalka Farmaajo ee Qatar [Qodobkii ugu muhiimsanaa oo ka maqan..]

Madaxtooyada Somalia ayaa sidii caadiga u ahayd faafisay war ku saabsan socdaalka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee dalka Qatar, iyadoo aan soo hadal qaadin qodobka ugu muhiimsanaa socdaalka Madaxweynaha.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada ayaan lagu sheegin deeqda dhaqaale ee Amiirka Qatar Tamim Bin Hamad uu ugu deeqay in lagu kabo miisaaniyadda dowladda Somalia ee sanadkan oo gaareysa in dhow 20.5 milyan oo doolar (73 Milayn oo Riyaalaka Qatar).

Warka deeqda waxaa faafisay wakaalada wararka ee dalka Qatar, sidii aan hore u shaacinay, wuxuuna ahaa muhiimada ugu weyn ee socdaalka madaxweynaha, iyadoo xaalad dhaqaale yari uu xilligan soo wajahay xukuumadda Somalia.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MADAXTOOYADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON