Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda, waana socdaalkii labaad ee uu dlakaas iku tago muddo 2 bilood gudahood ah.
Xasan Sheekh ayaa ka qeyb geli doonaa xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimada Dalka Uganda oo madax badan oo Gobolka ah lagu casuumay. Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.
Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Safarkii hore ee Madaxweynaha ayaa ku beegnaa 8 Ogost 2022, waxaana War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya xilligaasi lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.
