Jen. Indha-qarshe: “Maamulka Galmudug ma aha meel nin Wadani ah wax u doonto”
Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa laga horistaagay inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee Beeshiisa HOP020, kaasoo deegaan doorashadiisa tahay magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cali Khaariye (Qoorqoor) ayaa ka hor istaagay oo tartanka kursiga HOP20 u diiray Jeneraal Indha-qarashe. “Maamulka Galmudug ma aha meel nin Wadani ah wax u doonto” ayuu yiri Jeneraalka.
Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu Jeneraalku ku sheegay inay fajac ku noqotay, isagoo intaas sanado badan u soo shaqeeyay qarankiiisa oo billado badan lagu abaal-mariyey in la yirahdo yiraahdo ma istaahishid, sababtuna ay tahay inaan la jecleyn.
Jeneraal Indha Qarshe oo muddo dheer waday olole uu doonayey inuu kamid noqdo baarlamaanka 11-aad, balse la qorsheeyay in kursiga loo xirayo musharax uu wato agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, lagana dhigayo qoonde haween.
“Waxaan reer tolkeyga usoo jeedinayaa inaan ka tashano kasii mid ahaanshaha maamulka Galmudug, Way muuqataa inay cadaalad darro ka jirto meeshaas. dadka hadda xukunka haya waxaa dad naftooda iyo caruurtooda ka fekeraya..” ayuu yiri Jeneraal Indha-qarshe.

