Friday, July 11, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaadacday Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka (Akhriso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa qaadacay Shirka Watashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaasoo uu ku baaqay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta.

Shirka oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ayaa qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo hadda ku sugan dalka Turkiga ayaa lagu caddeeyay inaysan ka qeyb galeynin shirkaasi, isla markaana aanay quseyn wixii kasoo baxay.

Arrintan ayaa sabab looga dhigay inaan Hirshabeelle lagala tashan arrimaha shirka, waxaana qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabelle u qornaa sida soo socota:

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho. Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle. Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON