Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo War kasoo saaray Xaaladda Galmudug & Baaqii Axmed Madoobe [Dhageyso]

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa war kasoo saaray xaaladda maamul Goboleedka Galmudug iyo Baaqa madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Mudane Waare oo ku sugan Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku baaqayo khilaafka ka taagan maamulka Galmudug in waanwaan lagu dhammeeyo, isagoo xusay in dhismaha maamulkaasi dhibaato badan laga soo maray.

Wuxuu ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo oo wax la aqbali karo aanay ahayn in maamul dhisan la dumiyo, wuxuuna ugu baaqay madaxda iyo xildhibaanada Maamulka Galmudug inay la yimaadaan qorshe lagu badbaadiyo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyay baaqii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo gogosha uu dhigay Magaalada Kismaayo ay isugu imaanayaan maamul goboleedyada, wuxuuna heegay inay tahay farriin nabadeed, Soomaalinimo iyo in shacabka loo turo.

 

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON