Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanayo madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna farriin tacsi ah u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoday Guddoomiyihii G/banaadir C/raxmaan Yariisow.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda Dowladda Federaalka uga tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), isagoo farriintiisa ku yiri: “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”.
Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay Haddii ay yihiin Walaallaha Jabuuti in mar walba ay taagan yihiin Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba, wuxuuna Marxuum C/raxman Yariisow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u firfircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir.