Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha K/Galbeed oo Jawaab Degdeg ka dalbaday Maamulka Galmudug [Daawo]

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba, isagoo ka hadlay dadkii xalay lagu laayey magaalada Gaalkacyo ee kasoo jeeday maamulkiisa.

Wuxuu cambaareeyay falka foosha xun ee a dhacay Gaalkacyo, isagoo sheegay inay ahayd wax laga argagaxo oo aan ku habooneyn Soomaalinimada, islaamnimada iyo Bani’aadamnimada, wuxuuna ka dalbaday Maamulka Galmudug inay jawaab degdeg ka bixiyaan labadii dhacdo ee Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdooyinka soo noqnoqday ee Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo aan loo dulqaadan karin, ayna jawaab degdeg ah oo waxqabad leh ka sugayaan maamulka Galmudug, taasoo ah in dadkii ka danbeeyay la soo qabto.

Wuxuu dadka K/Galbeed ee ku nool degaanada kale ee Soomaaliya ugu baaqay inay haddii aysan ku noolaan karin degaanadaasi oo cadaadis iyo jinsi faquuq la kulmaan inay ku soo laabtaan degaanadooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON