Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay in qaab nabadeed lagu xaliyo colaadda ka taagan Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.
Uhuru Kenyatta ayaa codkiisa ku biiriyey baaqyada nabadeed ee dalalka caalamka ku doonayaan in xal loo helo dagaalka ka socda gobolka Tigray, wuxuuna farriintiisa ku sheegay in Kenya iyo Itoobiya ay ahaayeen labada dal ee hoggaaminaya nabadda iyo xasiloonida Gobolka, kana xun yahay dagaalka ka socda Itoobiya.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu madaxweynaha Kenya qaabilay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen oo dowladda Itoobiya ay u diray dalalka Gobolka sida Uganda iyo Kenya inay kala hadlaan xaaladda ka taagan Gobolka Tigray.
Uhuru Kenyatta ayaa codsi u diray Jabhadda TPLF, isagoo ku booriyey inay colaada joojiso, taasoo halis ku ah guulihii ay Itoobiya ka gaartay horumarka dalkooda.