Thursday, July 24, 2025

Madaxweynaha la doortay ee Puntland oo lagu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyda Garowe [Sawirro]

Madaxweynaha la doortay dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta  tegay xarunta Madaxtooyada magaalada Garowe ee looga taliyo Puntland, waxaana halkaasi ku dhoweeyay madaxweynaha waqtigiisuna  dhammaaday ee C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Kulanka labada mas’uul ee xilalka ku kala wareegaya dhowaan ayaa ahaa kulan kala war qaadasho iyo warbixin ah, waxayna labada dhinac ka wadahadleen xaaladda Puntland iyo xil wareejinta la diyaarinayo inay dhowaan dhacdo, waxaana kulanka ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenkii hore iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay.

Dhinaca Madaxweynaha la doortay ee Siciid Deni ayaa la kulmay  taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Daraawiishta oo uu kala hadlay arrrimo ku saaban xoojinta amniga. Mudane Deni ayaa ka dalbaday taliyeyaasha inay adkeeyaan amniga guud ee Puntland.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON