Madaxweynaha dalka Masar oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkan ayaa kulan dhexdhexaadin ah isugu keenay madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Somalia oo xiisad diblomaasiyadeed iyo dacwad ku saabsan xuduudka Badda u dhaxeyso.
Wadahadalka saddex geesood ah ee magaalada New York ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Kenya Uhuru Kenyatta iyo Masar Cabdulfataax Al Sisi ayey shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya inay ku dhamaaday is faham, iyadoo la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.
Waxaa kaloo lagu heshiiyey in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban Soomaaliya iyo Kenya oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka la sheegay in la gaaray. Laakiin Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wadahadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.
Waanwaanta Kenya ka dhex sameysay madaxda labada dal ee Somalia iyo Kenya ayaa ka mida dadaalka uu waday Midowga Afrika, kaasoo ujeedkiisu ahaa in Dacwadda Xuduudka Badda ee labada dal laga soo celiyo Maxkamadda Adduunka ee ICJ, waxaana cad in arrintaasi laga wadahadlay, iyadoo war laga sugayo dhinacyada Kenya iyo Masar, iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya war shaki badan dhaliyey ka faafisay dhexdhexaadin uu madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ka dhex sameeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.




