Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Amar kasoo saaray Dilka Caa’isha Ilyaas & Dad loo xiray Kiiska naxdin leh

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa amar kasoo saaray dilka gabadhii 12 sano jirka ahayd ee tacadiga lagula kacay, laguna dilay magaalada Gaalkacyo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Deni ayaa tacsi loogu diray qoyska Caa’isha Ilayaas Aadan, waxaan hay’adaha amniga la faray inay degdeg uga howlgalaan baarista kiislaasi.

Dhinaca kale Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay iney dhalinyarto u xireen Kiiska kufsiga iyo dilka ah ee Caa’isha Ilyaas, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in gacanta lagu soo dhigo dhammaan Raggii falkaasi geystay.

Dadka ku lugta yeesha dilka gabadha 12 sano jirka ah, ayuu sheegay in Cadaaladda la horgeyn doono, isagoo digniin u diray waalidiinta caruurtaasi uga digay inay isku dayaan inay magaalka ka saaraan dadka falkaasi ku lugta lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON