Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Axmed Madoobe dartiis u qaadacay shirka Madasha Iskaashiga Somalia ee Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa la sheegay inuu qaadacay shirak Madasha Iskaashiga Somalia ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Sida laga helay Madaxtooyada Garowe madaxweynaha Puntland ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo shirka ‘Somalia Partnership Forum” , taasoo ka dambeysay khilaaf muddo soo jiray oo kala dhaxeeya dowladda Federaalka, waxaase diidmada Deni sabab u ahaa muranka Doorashada Jubbaland, iyadoo uu dalbaday in shirka lagu casuumo Axmed Madoobe, taasoo ay ku gacan seyrtay dowladda Somalia.

Dowladda Somalia oo sharci darro ku tilmaantay doorashadii Jubaland ee Axmed Madoobe ayaan wax casuumad ah u dirin Axmed Madoobe, waxaana hadda Muqdisho ku sugan madaxweynayaasha Hirshabelle, K/Galbeed iyo Galmudug oo shirka ka qeb galaya inkastoo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hor yimid qorshaha xukuumadda ee Galmudug.

Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Muqdisho, ayna ka qeyb galayaan wakiilo ka socda in ka badan 40 dal ayaa waxaa muuqata in dowladda Somalia ay wajaheyso xaalad ah oo uga imaaneysa khilaafka kala dhaxeeya dowlad Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON