Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad dheer ka jeediyay magaalada Garowe, isagoo faahfaahin ka bxiiyey qodobadda shirkaasi looga dooday iyo kuwii ugu adkaa oo la isku mari waayey, sidii uu ku dhammaaday.
Deni ayaa warbixin dheer ka bixiyey sidii uu ku yimid shirka Garowe iyo kulankii madaxda dowladda federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo muddo sanad ah aan is-arkin, wuxuuna caddeeyay in qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey uu ahaa dhismaha Gole Iskaashi oo ay yeeshaan Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu kasoo xigtay inuu qiray in dhismaha Golahaasi uu Dastuuri yahay.
“Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”.Ayuu yri Madaxweyne Deni.
Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay ku doodeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, ayna ka mid ahayd doodaha ugu weyn ee shirka hareeyay.
Wuxuu ka hadlay arrinta qeybsiga kheyraadka oo Baatroolku kamid yahay, kasoo lagu kala duwan yahay sida loo qoray, ayna codsadeen in dib loogu soo celiyo madaxda dowladda Federaalka iyo Dowladda Soomaaliya. Waxaa kaloo qeyb ka ahaa qeybinta deeqaha ay Soomaaliya hesho.
Shirka ayuu sheegay in si weyn looga dooday arrimo fara badan, laakiin waqtigu ku yaraaday in go’aan laga gaaro, laakiin shirar danbe ay jiri doonaan. Wuxuuna Madaxweyne Deni u muuqday mas’uul la wareegay hoggaanka madaxda Soomaaliya.