Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Golaha cusub ee Xukuumadiisa hor geeyay Golaha Wakiillada Puntland oo weli ku jira kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.
Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada dowladda Puntland ayaa waxaa goobjoog ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo Golaha Wasiirada cusub ee Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa khudbad ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland, isagoo uga hadlay siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada Puntland, wuxuuna Golaha wakiilada Puntland ka dalbaday inay kalsooni siiyaan Xukuumadda uu maagcaabay.
“Waxaan gunaanadkii ka codsanayaa xubnaha Golaha wakiillada inay ansixiyaan xubnaha Golaha wakiillada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbalidoontaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Kadib markii xubnaha golaha wasiirada ay golaha ka hor jeediyeen taariikh nololeedkooda ayaa cod loo qaaday waxaa si aqlabiyad leh loogu ansixiyey 63 cod oo ahaa wakiiladii fadhiyay kulanka.
Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyey Golaha Wakiilada Puntland, isagoo sheegay in labadii bilood ee uu ololaha doorashada ku jiray ay uga dhib badneyd xulitaankii Golaha Wasiirada.




